Warkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Shabaab iyo Liyuu Booliska

Alshabaab waxaa ka dhintay ilaa iyo hada 68-Xubnood,waxaana ka dhaawacmay 42-Xubnood halka 16-Xubnood Nolol looga qabtay.

Wadarta guud ee rasmiga ah ee Alshabaabka soo gudbay waa 200-Xubnood.

17-kii Gaari ay wateen argagixisadu 6-ka mid ah way gubtay argagixisada intii kalana waxa gacanta ku dhigay Ciidanka.

Miinooyin ay geliyeen Deegaanka Sadex ka mid ah waa la qarxiyay welina waa sii socotaa Miina baaristu.

Maleeshiyada argagixisada markii si adag ay udharbaaxeen Ciidanka Liyuu Boolisku way firxadeen,waxaana burburay hogaamintoodii.

Haatan dagaalku waa Mid ugaarsii,iyadoo Ciidanku ka faa’idaysanayo aqoon la’aanta Deegaanka ee argagixisada firxadka ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading