Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Iimaan,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socda hay’adda UNSOM dhanka la talinta Booliiska.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay habsami u socodka barnaamijka hormarinta booliiska Puntland, xoojinta nabadda galkacyo gaar ahaan booliiska isku-dhafka ah iyo guud ahaan barnaamijyada muhiimka ah ee xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) kala shaqeeyo Dawladda Puntland ee la xiriira arimaha Nabadda iyo Amniga.

-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-galinta Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.