Wasaarada Arimaha Gudaha PL oo war kasoo saartay diyaar garowga Doorashada 3-Degmo

WARGLIN.

Ku: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

Ku: Guddoomiyaasha Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Og: Xisbiyada Siyaasadda Puntland

Ujeeddo: U diyaar garowga Maalmaha Ololaha Doorashada ee Xisbiyada Siyaasadda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan in loo diyaar garoobo maalmaha Olalaha Doorashada Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmoo oo bilaabanaya maanta oo taariikhdu tahay 06/07/2024, soconna doona muddo labo asbuuc ah.

Sidaa darteed, waxaa la farayaa masuuliyiinta warqaddaan sida tooska ah ugu socoto iyo kuwa ogaysiinta ku lehba in la ilaaliyo laguna dhaqmo Xeerka Doorashooyinka iyo Habraaca anshaxa Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC iyada oo laga fogaanayo waxkasta oo ka reeban olalaha doorashada Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

…DHAMMAAD…

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading