Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo ka hadashay Shirkii BC iyo Puntland

BEESHA CAALAMKA iyo BOGAADINTA DOORASHOOYINKA PUNTLAND:

Kulan muhiim ah oo ay wada yeesheen Dawladda Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo Safiirrada Beesha Caalamka ee Maraykanka, UK, SWEDEN, Ergeyga Gaarka ah ee Somalia J. SWAN, iyo Madax kale ayaa lagu qabtay Madaxtooyada Puntland. Dawladdu waxay ku celisay markale inay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, ayna abuurayso jawi iyo saaxad lagu tartami karo.


TPEC waxay iyaduna dhinaceeda soo bandhigtay diyaar-garoweeda farsamo iyo shaqo oo meel fiican maraya.

Beesha Caalamka ayaa iyana dhinaceeda caddaysay sida ay siyaasiyan iyo dhaqaalo ahaanba u garab-taagan tahay hannaanka dooradhooyinka Golayaasha Deegaanka ee Puntland. Doorashooyinka Puntland ayaa loo arkaa rajada ugu weyn ee Dawlad-dhiska Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee loo daadejin karo awoodda, loona hirgelin karo hannaanka Federalism-ka.

Halkan ka daawo muuqaalka Wasiir Juuxaa


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading