Wasaarada Caafimaadka PL oo lagu helay musuq baahsan

Gudiga gaarka ah ee la dagaallanka musuqa PL oo MW Deni dhawaan usaaray dabagalka Hay’adaha Dowlada,ayaa soo afmeeray Shaqadoodii ugu horaysay.

Qodobada ay ka duulayaan Gudiga ee loo igmaday in ay dabagalaan,waxay kala yihiin…

1.Musuqmaasuqa.
2.Dayaca Shaqadda.
3.Dabagalka Masuuliyiinta.

Wasaaradda Caafimaadka,ayaa noqotay midii 1-Aad ee lasoo afmeeray baaristeedii,waxaana kasoo baxay….

B.Wasaarada gudaheeda in uu ka jiro musuq baahsan.

T.Agaasimaha Guud in lugaha loo geliyay musuqa oo qayb ka noqday.

J.Qaybo ka mid ah Agaasime Waaxeedyada iyo masuuliyiin hore oo Wasaarada ka shqayn jiray oo weli isku xiran kuna lug leh musuq balaaran.

X.Lacag tiradeedu badan tahay oo la lunsaday.

Kh.Qalab iskugu jira Caafimaad iyo Agab kale oo la leexsaday.

D.Wasiirka,ku xigeenkiisa iyo W.Dowlaha oo laaluush lagu soo dhaweeyay markii Shaqada loo dhiibay.

R.Agaasimayaasha Wasaarada oo bilaa fasax iskaga safra,isla markaana ku milmay Xamar.

S.Wasaarada oo ay ka dhex samaysmantay koox balaaran oo isku xiran oo fahansan nidaamka.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading