W.Gaashaandhiga Somaliya oo shaacisay in ay diyaarisay Ciidamo badali kara Atmis

Wasaarada Gaashaandhiga,ayaa sheegtay in ay diyaarisay Ciidamo kala wareega Shaqada kuwa Atmis ee baxaya.

2000-Askari oo Atmis ka mid ah,ayaa baxaya Bishan dabayaaqadeeda.

Halka Sanadkan dhamaadkiisa ay qorshaysan tahay in ay iyaguna baxaan 3000 oo kale.

Ciidamada Atmis ee jooga Somaliya,ayaa lagu dhaliilaa Diciifnimo,Shaqo xumo iyo musuq.

Midowga Yurub oo bixiya Ciidamada Atmis dhaqaalaha ku baxa,ayaa wada cadaadis ah in ugu danbayn laga saaro Somaliya,waxayna qorshaynayaan in ay uwareejiyaan dhaqaalahaas dhismaha Ciidamada Somalida.

Balse wax walba waxay ku xiran yihiin in la helo Siyaasad amni oo Qaran,taasoo Somalidu kuwada socoto.

 

Halkan ka akhriso:-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading