Warsaxaafadeed kasoo baxay dawlada puntland.
Ka dib markii shir isugu yimaadeen maanta oo ay taariikhdu tahay 07/10/2017 Wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga dawlada puntland, shirkaan waxaa lagu falaanqeyay diidmada lacagta Sh.som, kala gurideeda iyo sarifkeeda kala duwan, waxaana soo baxay warsaxafeedkan hoos ku qoran:-
1: lacagta shiling somaliga ah waa astaan qaran, dalkastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, puntland kama duwana, cidii ka hortimaadana waa qaran dumis.
2: Dawlada puntland lacagta Sh.som waxay ku qaada canshuurta, waxayna ku bixisaa mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, Meel ay ku diidayna ma jirto.
3: Shacabka reer puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh.som qaataan, iyaga oo aan kala gurin, sarif kala duwanaana looma samayn karo, arintaas oo aan diin ahaan banaaneyn ( Ribo ).
4: Hay’adaha dawlada ee fulinta shaqadaan qaybaha ku leh, waxaa lag doonayaa in ay waajibaadkooda shaqo ka gutaan.
Warsaxafdeedka waxaa ku saxiixaan:-
1: Wasiirka Maliyada puntland .Abdulahi Carshe
2: Gudoomiyaha Bangiyada puntland.Abdi ismail Boos
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.