Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ay ka banaan yihiin fursado Shaqo

BANDHIG FURSADO SHAQO

Fursadaha Shaqo ee Wasaaraddu ay qaadanayso ayaa kala ah;
1. Maamulaha Dugsiga Sare ee Buurtinle.
2. Maamulaha Dugsiga Sare ee Gambool-Garoowe.
3. Maamulaha Dugsiga Sare ee Baargaal.

Xirfadda iyo Heerka Aqoonta looga baahan yahay codsadaha shaqada:

1. Muwaadin Soomaali ah.
2. Shahaadada darajada Koowaad ee heer Jaamacadeed oo ay Wasaaraddu ay aqoonsan tahay.
3. Khibrad macallinnimo oo aan shan sano ka yarayn.
4. Khibrad Maamul oo la xiriirta nidaamyada waxbarashada ugu yaraan 3 sano.
5. Ku tilmaaman yahay sifooyinka hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.
6. Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimi karta.
7. Akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.
8. Horay u galin fal-dambiyeed maxkamad xukuntay.
9. Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
10. leeyahay xirfadda qorista iyo diyaarinta warbixinaha (reports)
11. leeyahay xirfadda isticmaalka Computer-ka
12. leeyahay waayo-aragnimo ku filan oo dhanka xidhiidhka ah (communication skills)
13. Aqoon duruqsan u leeyahay luqadaha wax dhigista iyo middiisa Hooyo ee Soomaaliga ah.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading