Wasaarada Waxbarashada Puntland oo la dhaliilay

Nasiib darrada waxbarashada Puntland!

Puntland 26 sano ka dib in waxsoosaarka waxbarashada uu sidaa noqdo waa ayaan darro wayn.

Waxaa muuqata in “Priority Objectives”-ka Wasaaradda Waxbarashada uusan qayb ka ahayn “Quality”-ga waxbarashada. Waxay xoogga saarayaan waxyaalo u muuqan kara “Political Point Scoring”. In la qaado imtixaan “Centeralized” ah wax cilmi iyo caqli ah kuma jiraan haddiiba natiijada waxsoosaarku sidaa tahay!.

Maadooyinka loo yaqaan STEM subjects dugsi sare iyo kuwa dhexeba celceliskooda wuxuu ahaa ~ 40% ama ka hooseeyaa oo macnaheedu yahay 50% ardada waa ka hooseeyaan 40% marks. Qaabka “Reporting”-ka ma saxna oo celcelis keliya in aad sheegtid macno ma leh haddii aadan ku darayn “Spread of the data” … in la raaciyo “Standard Deviation” oo muujinaya sida “Marks” ugu urursan yihiin “Mean”-ka ama sida “Data Variation” ku yahay oo macno badan xambaarsan.

Ardada noocaas ah marka ay u gudbaan marxaladda jaamacadda, maxaa laga filan karaa in ay keeni karaan?. Waa jiil dhan oo la lugooyey.

Eedaas dabcan cid gaar ah ma leh oo qof kasta oo wax garad ah qayb buu ku leeyahay … waxaase eedda xooggeeda leh “والذي تولّى كبره” cidda mas’uuliyadda shafka u garaacatay.

Haddii aan qaylo dhaan la samayn deg deg ah, waa loo aayi doonaa.

Rabbi talo ku filan.
Dr Mohamud A Mohamoud.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading