Wasaarada Waxbarashada Puntland oo wargalisay Kormeerayaasha Imtixaanka shahaadiga

10/ May/ 2018- Waajibaadka koormeerayaasha iyo ilaaliyaasha

  1. Waa in uu isku xiro hawlaha ka socda xarunta imtixaanka.
  2. Waa in uu si habsami ah u agaasimaa una kormeera howlaha imtixamaanka ee xaruntiisa. Waxuu si gaara ah u qabanayaaa shaqooyinkaa:
  1. Waa in uu si habsami ah u agaasimaa una kormeera howlaha imtixamaanka ee xaruntiisa. Waxuu si gaara ah u qabanayaaa shaqooyinkaa:
  2. Qayb-qaybinta ilaaliyaasha imtixaanka goobtaas. Ilaaaliye walba waxa uu masuul ka noqonayaa ilaalinta ugu badnaan 25 arady fadhiya  fasalada  caadi ah
  3. Qorshaynta iyo diyaarinta kaltanka macalimiinta ee fasalada xarunta iyadoo la hubinayo in ilaaliye walba uu galo fasal cusub maado kasta.
  • In uu dajiyo barnaamij uu ku howl gelinayo kaaliyaasha kormeeraha xarunta imtixaanka-hadii uu jiro.
  1. Waa in uu siiyaa maamulaha dugsiga ilaaliyaashaba waajibaadkooda shaqo iyo xeerarka imtixaanka ee PNEB.
  2. Waa in uu kala wareego saraakiisha golaha, xiliga qaybinta imtixaanka sanaadiiqda iyo baagaga ay isku jiraan waraqaha su’aalaha in aan loo furin inta ka horaysa xiliga imtixaanka.
  3. Waa in uu qaybiyaa ilaaliyaasha imtixaanka waraqaha su’aalaha 8:00 Subaxnimo. Sidoo kale maadada labaad waa in uu qaybiyaa 10:40 kalana wareegaa waraaqaha laga soo jawabay 1:00 galbnimo.
  4. Waa in uu ku wargaliyaa KG waxii isdhima ama go’a iyo wax allaale waxii deg deg ah ee khuseeya imtixaanaadka.
  5. Waa in uu ku wareejiyo marka uu dhamaado waqtiga imtixaanka sanadiiqda iyo baagaga ay la socdaan furayaashoodii, diiwaangelin iyo iwm saraakiisha golaha ee imtixaanka la wareegaysa isagoo goob joog uu ka yahay KG.
  6. Waa in uu kharshaadkooda siiyo hawl- wadeenada imtixaanka si tixgelin mudan soona gudibiyaa xisaab celin siday lacagtu u baxaday, isaga oo ku soo lifaaqaya magacyada iyo saxiixyada lacag qaatayaasha.
  7. Waxii kharash dheerad ah ama lama filaan ah ee uu bixiyo waa inuu kun soo lifaaqa caddayn sida qaansheegad ama warqada receiprt-ga.
  8. Waa in uu fuliyo wixii waajibaad kale ee uu soo gudbiyo golaha imtixaanaadku

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading