Wasaaradaha Maaliyadda Puntland iyo Galmudug oo heshiis gaaray (Sawirro)

Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda Puntland iyo Galmudug ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug.

Kulankan ayaa ahaa mid qayb ka ah kulamo horay udhex maray labada Wasaaradood waxaana ka qayb galay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Galmudug Mudane Muqtaar Cali Cismaan iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaradda Amniga Puntland Gudoomiyaha Gobolka Duqa Dagmada ayaa goob-joog ah kulanka.

Mudadii uu socday kulankan ayaa looga hadlay

1-in si wada jir ah loola dagaalamo ganacsiga loo yaqaan (BERMUUDA) oo ah cashuur ka Carar.

2-In cashuur isku mid ah laga qaado Ganacsatada Kastamyada, iskaashina laga sameeyo labada Wasaaradood.

Si loo hormariyo qodobadan ayaa loo saaray gudi ka tirsan labada Wasaaradood in ay ka shaqeeyaan sii hormarinta qodobadan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading