Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa digniin u dirtay Isbitaalada Puntland, gaar ahaana Garoowe, iyadoona sheegtay in $10 ka badan aan laga qaadi karin shacabka u baahan warqadda Caafimaadka.
Waraaq kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa lagu armay Isbitaalada inay u fududeeyaan waraaqaha Caafimaadka Shacabka, maadama Safaaradda Hindiya ay ka bilaabayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland bixinta VISA-ha dal ku-galka Hindiya, loona baahan yahay in Shacabku ay ka faa’ideystaan.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.