Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday dejinta Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2017-2018,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaraddda.
Lixdan iyo lix macallin ayaa loo qorsheeyay in ay muddo 5 maalmood ah soo dejiyaan, Imtixaankan Shahaadiga ah oo ay u fariisan doonaan ardayda fasalka 8 aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4 aad ee dugsiyada sare dhammaan degaannada Puntland.
Macallimiinta soo diyaarinaya Imtixaanka sannadkan ayaa ka kooban 42 macallin deJiyaal ah,lix macallin turjumayaal ah,iyo 24 macallin oo hubiyaal ah,waxaana qoraalka lagu sheegay in dejiyaasha Imtixaanka sannadkaan ay ka yar yihiin sannadihii la soo dhaafay,kadib markii uu hoos u dhac ku yimid taageeradii dhaqaale ee lagu kabi jiray.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.