Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda WFP oo isla qaatay Istaraatiijiyadda Quudinta Iskuullada Hoose/Dhexe

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdisaalan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa la qaatay Hay’adda WFP shir ku saabsan dhaqan-gelinta Istaraatiijiyadda quudinta Iskuullada Hoose/Dhexe ee Puntland.

Istaraatiijiyaddan oo ay wadajir u fulinayaan Dowladda Puntland iyo Hay’adda Cuntada Adduunka WFP ayaa loogu tala-galay in lagu dhiirri-geliyo Waxbarashada aas-aasiga ah, iyadoo la isku raacay in qorshahan cusub uu wax ka tari doono waxbarashada ardayda, taas oo kor u qaadi doonta tirada ardayda iskuullada tagta iyo joogteynta waxbarashada.

Wasiir Maxamed Diiriye Gamadiid ayaa adkeeyay iskaashiga dhow ee Hay’adda WFP iyo Wasaaradda oo xaqiijinaya hirgelinta istaraatiijiyadda quudinta iskuullada, waxa uuna xusay sida Wasaaradda ay uga go’an tahay in ay ubadka Puntland u diyaariso jawi-waxbarasho oo ku habboon.

Madaxda Wasaaradda ayaa ku bogaadiyay Hay’adda WFP dadaalka ay ku bixisay barnaamijkan oo muddo socday, iyadoo Wasaaradduna ay dib u eegid ku samaysay qorsheyaasha lagu hirgelinayo.

DHAMMAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading