Wasiir Beyle “DFS awood uma laha inay hor istaagto Al-Shabaab”

Wargeyska Washington Post oo maqaal dheer ka qoray sida uu ururka Al-Shabaab ku helo dhaqaalaha, ayaa ku tilmaamay inay si toos ah u helaan canshuuro ay ka qaadaan ganacsatada dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan awood u laheyn inay joojiso dhaqaalaha Kooxda Al-Shabaab ay ka sameyso gudaha Soomaaliya, kaas oo intiisa badan ay Al-Shabaab ka qaado Ganacsatada.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka C/raxmaan Ducaale Beyle oo wareysi siinayay Wargeyska  Washington Post ayaa sheegay in Soomaaliya ay xaalad cabsi leh ay ku jirto, uuna ururka Al-Shabaab dhibaato uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa qiray in dowlada federalka waxba ka qaban weysay halista Al-Shabaab.

“Dowladu ma lahan awood weyn oo ay ugaga hortago Al-Shabaab inay ganacsatada lacago canshuur ah ka qaataan, dadka u ururiya canshuurta Al-Shabaabna magaalada ayay si xor ah isaga dhex maraan.”ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka hadlayay canshuuraha ay ganacsatada Muqdisho siiyaan ururka Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyada Dowlada Federalka ayaa intaas ku daray “Mashaakilku waa hal arrin oo kaliya,Al-Shabaab waa Soomaali aniga oo kale ama dadka oo dhan,waan isku muuqaal eg nahay,meel walbana waa joogaan oo way nagu dhex jiraan.”ayuu yiri Wasiir Beyle.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading