Wasiir Beyle oo beeniyay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee Washington!!

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo dhowaan hadal ka jeediyay munaasabad uu xariga uga jaray dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu dhishay dhismaha Safaaradda uu yahay kii lagu ridi jiray Ra’iisulwasaarayaasha oo uu aruuriyay.

Madaxweyne Farmaajo oo u muuqday inuu ku dhaga hadlayo madaxdii ka horeysay ee soo hoggaamisay waqtiyadda adag, soona gaarsiisay nidaamyada Dowliga ah ee yar, ayaa xusay in 2 Milyan ee lagu dhishay safaaradan ay tahay tii lagu ridi jiray Ra’iisulwasaarayaasha.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa dood adag ka dhex abuuray Baraha Bulshada iyo Fagaarayaasha Bulshadu ku kulanto, iyadoona dadka qaarkii ay Madaxweynaha ku tilmaameen ninaan laheyn aragti iyo Akhlaaq Siyaasadeed, ayna cindigiisa saldhigatay Been iyo inuu marin habiibiyo Hormaradii Dalka ay soo gaar siiyeen Madaxdii ka horeysay, uuna isagu isku ammaano Daacadnimo iyo inaan Dowladnimo ka horeyn.

Dadka qaar ayaa qaba in ay mudan tahay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka la weydiiyo halka Dowladdiisu ka keentay dhaqaalaha ka badan 2 Milyan ee uu sheegay in lagu ridi jiray Ra’iisulwasaarayaasha Xukuumadihii ka horeeyay ee kala ah;

1: Lacagtii lagu riday JAWAARI.?
2: LACAGTII lagu riday Ali Osoble.?
3: Lacagtii doorashada Puntland.?
4: Lacagtii lagu riday Shariif Xassan.?
5: Lacagta lagula dagaallamayo Jubbaland.?
6: Lacagta lagu kala diray GALMUDUG
7: Lacagta lagu jiifo Jasiira & Peace Hotels.?
8: Lacagta Kaadiriinta degmooyinka.?
9: Lacagta Shuucitiinta degmooyinka gobolka
10: Lacagta wakiillada Villa Somalia.?
11: Lacagta kooxda propaganda – da

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Beyle, oo ka hadlay dhaqaalaha ku baxay dhismaha cusub ee Safaaradda Somaaliya ee Washington ayaa sheegay inuu yahay dhaqaale ay ka jareen deeqda lacageed ee ay siiso Dowladda Qatar, waxaana hadalkani uu burinayaa Warka Madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay Dowladdiisu aruurisay Lacagtan.

Si kastaba ha ahaatee, Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa xaqiijiyay in Dhaqaalaha lagu dhisay Dhismahan cusub ee Safaaradda uu yahay mid kasoo haray 8 Milyan oo laga bixiyay dhismihii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Washington, kaas oo Dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay dhigtay bangi ku yaalla Dalka Mareykanka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading