Wasiir Beyle oo soo gaaray Magaalada Garoowe+VIDEO

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland, waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka socdaalka Waftiga Wasiir Beyle ee Garoowe ayaa ah ka qeyb-galka shir maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garoowe, kaas oo looga hadlayo Hannaanka Maaliyadda Dalka, ayna marti galisay Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/rixmaan Ducaale Beyle, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka qeybgalo shirkan looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka, kaas oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano katirsan Aqalka Sare, Madaxda Maaliyadda Dawladda Federaalla iyo Madaxda Maaliyadda Dawladdaha xubnaha ka Dawladda Federaalka Soomaaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading