Wasiir Cawaash “Baddu waxay ku fatahday Xeebaha Boosaaso iyo Kulub”+VIDEO

Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Dawladda Puntland Farah Maxamuud Cawaash, oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegay in badda ay ku soo fatahday Magaaloyinka Boosaaso iyo Kulub oo ku dhow Degaanka Garacad.

Wasiir Cawaash ayaa digniin ku aadan Duufaanta Kayaar u diray Bulshada ku dhaqan Degaanada Xeebaha dhaca, isagoona sheegay inay si dhow ula socdaan marxaladaha Duufaantan oo kusoo dhufatay Xeebaha Dalka Cuman, taas oo u muuqata inay haatan xawaaraheedu hoos u dhacay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading