Wasiir Cawad oo markale laga reebay shir caalamiya

Ra’isalwasaaraha Dowlada Fadaraalka Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa kusii jeeda Dalka Norway maamlmaha nagu soo aadan.
 
Ra’isalwasaare Khayre,ayaa u tagaya Norway shirweyne looga doodi doono sida ugu haboon ee loo adkayn karo amaanka caalamka.
 
Shirkaas ayaa ka socon doona Oslo mudo labo maalmood ah,waxaana kasoo qaybgali doona madax hore iyo kuwo hada xil haya oo ka kala socda Caalamka oo idil.
 
Sidoo kale shirkaas waxaa khudbad ka jeedin doona Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey.
 
Khayre,ayaa shirkaas ka jeedin doona khudbad sida la filayo.
 
Shirkaas,ayaan macnow eyn ulahayn Somaliya marka laga soo tago sida gaarka ah ee Ra’isalwasaare Khayre ay ugu tahay goob fagaare caalam ah oo ku baran karo madax muhiim ah oo caalamka ka kala socota.
 
Dhanka kale sida wararka lagu helayo waxaan soo raaci doonin waftiga khayre Wasiirka arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Axmed CiiseCawad,waxaana booskiisii lagu badali doona Wasiirka Maaliyada Beyle.
 
Mahan markii ugu horaysay ee wasiir Cawad laga reebo wafuud ka qaybgalaysa shirarr caalamka ah.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading