Wasiir Dhabancad oo baaq u diray Guddoomiyayaasha degmooyinka (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa ugu baaqay Guddoomiyayaasha dowladaha hoose ee Puntland inay bulshada u soo bandhigaan kharashaadka iyo hantida kala duwan ee degmooyinka ay maamulaan.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in si shacabka Puntland ay ugu dhiiradaan bixinta canshuuraha iyo qaaraanka kale lala wadaago hantida degmooyinka si daah-furan, waxaana uu xusay in tilaabadaas ay meesha ka saarayso tuhunka la xariira in la dhaco hantida shacabka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading