Wasiir Dhabancad oo sameeyay magacaabis cusun (Akhriso)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Degmooyinka Burtinle, iyo Bander-Bayla oo ka kala tirsan Gobalada Nugaal iyo Karkaar u magacaabay xoghayahaasha Dowladda Hoose.

1. Faraax Maxamed Cigaal, ayuu u magacaabay xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

2.Maxamed Axmed Siciid (Jeex), ayuu u magacaabay xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Banderbayla ee Gobolka Karkaar.

Wasiir Dhabancad ayaa faray Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka xoghayayaasha cusub loo magacaabay in ay fuliyaan dhaqan gelinta magacaabidda xoghayaasha cusub, lana shaqeeyaan masuuliyiinta.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading