Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Deni, ayaa maanta loo dhaariyay Xilka.
Dhaarinta Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Dekedaha Puntland oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa Goobjoog ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa kula dardaarmay Wasiiru-dowlaha cusub ee Dekadaha iyo Gaadiidka Puntland inuu si wanaagsan u guto shaqada loo igmaday, isagoona alla uga baryey inuu xilka u fududeeyo.
Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha Gobalka Bari, isagoona sidoo kale kamid ah Ganacsatada waa weyn ee Puntland.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.