Wasiir Goodax oo laga gudbinayo Dacwad (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed, oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana shalay wasiirka waxbarashada uu ku tilmaamay inuu wakiil u yahay Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay In Xildhibaano badan ay kulan ka yeesheen arintaasi, islamarkaana ay la xisaabtami doonaan Wasiirka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in falkaas lagula kacay uu yahay dhaqan xumo weyn, isla markaana Shacabka dhegahooda ay maqleen war aan wanaagsaneyn oo uu uga tacsiyadeynayo.

Waxa uu tilmaamay in Gudiga anshaxa Barlamaanka Soomaaliya ay u gudbin doonaan, isla markaana iyaga oo Xildhibaano dhowr ah ay looyaro qabsadeen dacwadna ay ka gudbin doonaan Xildhibaan/ Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.

“Waxaan meel ku saari karnaa kulana xisaabtami karnaa sharciga, ilaa xasaanada laga qaado,kadibna aan maxkamad la tiigsado,sigaar ah ayuu Goodax ii farmuuqay oo dareenkeyga bedelay ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xuseen.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in si gaar ah uu ula kulmay Wasiir Goodax, kaddib markii uu ku tilmaamay in uu Shabaab la Shaqeeyo uuna weli hadalkiisa kusii adkeysatay,hayeeshee Go’aankooda uu yahay inay Shacriga la tiigsadaan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, ahna Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre, ayaa si live ah ugu eedeeyey Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad in uu la Shaqeeyo Al-Shabaab, kaddib Buuqii shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka, Iyadoona hadalkaas loo jeediyay dhaliilo badan.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading