Wasiir Hilaal “Waxaa la isla meel dhigay habka ugu casrisan ee loo maamulayo shidaalka DDS”

Shir looga hadlayay sidda looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka ay leedahay Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Shirkaan ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya waxaana kasoo qeyb galay dhammaan maamul-goboleedyada iyo khuburo dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway.

Waxaa diiradda lagu saarayay diyaar garoowga soo saarista kheyraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid wax ku ool ah ayna muhiimadiisu ahayd in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo iyo nooca uu yahay shidaalka.

”Waxaa la isla meel dhigay habka ugu casrisan ee loo maamulayo shidaalka marka la soo saaro,kaasi oo ay ku midaysan yihiin Soomaalida oo dhan”, Ayuu yiri wasiir Hilaal.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baarista xogta shidaalka u xilsaartay shirkadda Spectrum.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading