Wasiir Ilyaas: Wasaaradda Duulista Hawada Puntland way ku guuleysatay qorshaheedii 2019+VIDEO

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo warbaahinta maanta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa soo bandhigay waxqabadkeeda sanadkii tagay ee 2019.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in qorshihii u dagsanaa Wasaaradda duulista hawada sanadkii tagay ee 2019, uu ahaa mid guulaystay, ayna wasaaraddu dhamaan tagtay garoomada Puntland.

Sidoo kale, Wasiirka Duulista Hawada ayaa sheegay inay dardar-galiyeen shaqooyinka iyo dhismaha Garoomada Puntland, ayna soo kordhiyeen garoomo cusub oo duliymaad bilaabay sida garoonka diyaarahada Degmada caluula ee Gobalka Gardafuu.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegtay in isbadal balaaran ay ku samaysay adeegyada Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, ayna kusoo kordhiyeen duulimaadyo caalami ah oo ay kamid tahay diyaarada Ethopia Airline.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading