Wasiir iyo Xubin Garsoor oo lagu hor dhaariyay Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka marwo Layla Cabdi Cartan iyo Xassan Cabdi Cilmi, oo ah xubin ka mid ah Guddoonka sare ee Garsoorka Puntland oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Waxaa dhaariyay Cabdiqani Maxamed Nuur Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa Masuuliyiintan alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading