Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga “AMISOM Sharci uma heysato la socodka dhaqdhaqaqa Ciidanka”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo ka hadlay Munasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka falceliyay fariin Golaha amniga & nabadgalyada Midowga Afrika uu Askarta AMISOM ku faray la socdka dhaq-dhaqaaqa Ciidanka Soomaalida.

Cabdifitaax ayaa Sumcad dil ku tilmaamay go’aankaas maadaama waajibaadka AMISOM aysan qayb ka ahayn sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaas ku daray in aysan aqli doonin dalabkaas oo ay soo jeedintiisu leeyihiin Dowlado uusan sheegin.

“AU-da waxa ay soosaartay  in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Soomaalida, Ciidamadii aan rabnay in ay ka madax-bannaanaadaan miyaa la hoos geynayaa, shaqadoodu waa in ay ilaaliyaan xarumaha Dowladda, Madaxda & la dagaalanka Argagixisada, ma dareymeysaan in Dowladaha qaar ee deriska ah ee aan dareyneen in ciidan xooggan ay dhisato Soomaaliya in ay ka dambeeyaan” Sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim ayaa ku faanay in muddo afar sanno oo sharci ah & bilooyinka dheeraad ah oo ay jirto Dowladda waqtigeedu dhammaaday in joogto loo siiyo mushaar Askarta Dowladda Soomaaliya.

Soo jeedinta keentay in Ciidanka dhaq-dhaqaaqooda lala socda ayaa ka dhalatay Weerarkii 19-kii September 2021 lagu qaaday Hoteel ay degenayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed & Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, waxaana isla taariikhdaas Ciidanku rasaaseeyeen dibadbax ay qayb ka ahaayeen xubno xilal kala duwan dalka kasoo qabtay oo musharixiinta katirsan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading