Wasiir ku xigeenkii maaliyada Puntland Oo is casilay

Cabdi Salaan Bashiir Cabdisalaan Wasiir ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo iska Casilay Xilkii Wasiir ku xigeenka,lana dhaariyay una Tartami Doona Duqa Degmada.Boosaaso.
 
Cabdisalaan oo Madaxweyne Gaas mudo ku dhow Labo bilood ka hor umagacaabay Duqa Kmg ah ee Bosaso,kadib kala diristii golihii deegaanka,ayaa umuuqda Nin kalsooni badan ku qaba in uu ku guukaysan doono booskaas.
 
Sidoo kale Bashiir Cabdisalaan,ayay xanta hosoe sheegaysaa in uu garab xoog leh ka helayo Wasaarada arimaha gudaha iyo Odoyaasha Qabiilooyinka ee Gobolka Bari.
 
Maxamed Faarax Mire ayaa ah musharaxa uu la gali doono tartanka ugu adag oo ay ku hardamayaan madasha doorashada maalinka beri foog ah hadii rabi idimo.
 
Maalinka beri ah,ayuu qorshuhu yahay in ay qabsoonto doorashada Duqa Bosaso ee mudada la sugayay.
 
Maalin ka hor ayay ahayd markii ay qabsoontay doorashadii Duqa caasimada oo uu kusoo baxay Axmed Barre.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading