Wasiir Qowdhan oo Kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso (Sawirro)

Wasiirku- xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame, oo uu wehlinayo Agaasimaha Cashuuraha Berriga Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Kastamyada Wasaaradda ee Kantaroolka iyo Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Wasiir Cabdi Ibraahim Warsame ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ku booriyay inay hubin fiican ku sameeyaan gaadiidka badeecooyinka wada, Bulshadana si wanaag loogu shaqeeyo.

Sidoo kale, Wasiirku- xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa booqaday Kastamka Wasaaraddu ku lee dahay garoonka diyaaradaha, Isagoona warbixin ka dhageystay Maamulaha Kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka Cabdisalaan axmed.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading