Wasiir Sabarey: Universal Tv wuxuu ka shaqeynayaa kicinta Bulshada Reer Puntland+VIDEO

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowladda Puntland Cali Xasan Axmed Sabarey, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa si adag uga hadlay Barnaamij uu xalay qabtey Universal Tv oo ka hadlayey xalada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay sharciga la tiigsan doonto telefishinka Universal oo baahiyay barnaamij dhex-dhexaadnimada ka fog oo lid ku ah Dowladda Puntland.

“Puntland khilaaf siyaasadeed kama jiro, xasilooni daro kama jirto, jaahwareer siyaasadeed kama jiro, isla xisaabtan madaxweynuhu diidayna majiro, Weiyaha waxaa looga baahan yahay dhex-dhexaadnimo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed (Sabarey).


Tv-ga Universal ayaa xalay baahiyay Barnaamij looga hadlayay Xaalada Puntland, kaas oo u muuqday mid hal dhan ka raran, sidoo kalena gaf badan loogu geystay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Xukuumaddiisa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading