Wasiir Sabriye: Ahlu-sunna waxay caqabad ku tahay Dhismaha Galmudug+VIDEO

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa eedeyn kulul u jeediyey hoggaanka sare ee ahlusunna,isaga oo sheegay in hortaagan yihiin dhismaha Galmudug.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in waxa hadda ka muuqda deegaannada Galmudug aysan aheyn kuwii ay la soo bilaabeen Hoggaanka Ahlusunna,isla markaana aysan ka turjumeen arrimaha masiiriga ah ee Galmudug.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku eedeeyey hoggaanka Ahlusunna inay wadaan waxyaabo keeni kara dib u noqosho,waxaana uu ugu baaqay inay joojiyaan caqabad uu sheegay inay Ahlusunna ku yihiin dhismaha Galmudug.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay xaliso tabashada ay qabaan,hayeeshee aan laga aqbaleyn in shuruud ku xiraan dhismaha Galmudug.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading