Wasiirka Amniga Fadaraalka oo faahfaahin soo raaciyay Amarkii Nisa uu dul dhigay

Iyadoo Maanta usoo saaray Wasiirka Amniga Amar Ciidamada Sirdoonka Nisa Gudaha Garoonka Aadan-cade,ayuu caawa soo raaciyay kuwa ay yihiin in ay ka baxaan Garoonka.

“Isbedelka laxiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka)’Ayuu yiri Wasiir Cabdulaahi.

Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri”Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde”.

Bulshada caadiga iyo Siyaasiyiinta,ayaa soo dhaweeyay go’aanka Wasiirka Amniga uu kaga saaray Nisa Gudaha Garoonka.

Caqabad ayay ku ahaayeen Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada xiligeedu dhamaaday ee Farmaajo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading