Wasiirka Amniga Puntland iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta oo la kulmay Shacabka Balli-dhidin (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland ee Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa kulan la qaatay Waxgaradka iyo Bulshada degmadda Balli-dhidin ee Gobalka Bari.

Kulanka ayaa looga hadlay xalada amni ee degmada iyo sidii looga qayb qaadan lahaa ka sifaynta argagaxisada ee buuraha Calmiskad.

Wasiir Gallan ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay fulinayso dhamaan baahiyaha bulshada degmadda Balli-dhidin ee Gobalka Bari, isagoona ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga ee howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ka bilaabay degmada iyo deegaanada hoos-taga.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading