Wasiirka Amniga XFS oo fasaxay banaanbax cadaalad loogu raadinayo Ikraan Tahliil (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax iyo xubno kale oo ka tirsana qoyska Ikraan Tahliil.

Wasiirka amniga iyo qoyska Ikraan Tahliil ayaa ka wada hadlay sidii cadaalad ay u heli laheyd Ikraan tahliil oo ay sheegeen qoyska iney ku tabayaan gacanta hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in qoyska Ikraan Tahliil ay qabsan karaan bannaanbax nabadeed, isagoona intaas ku daray in cidii hor istaagta banaanbaxaasi nabadeed aysan waxba ka duwanaan doonin dadka lagu tuhunsan yahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

https://youtu.be/WCTazHEwlRs

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading