Wasiirka Arimaha dibada Fadaraalka oo seeftii xilka qaadista Khayre dul saaran tahay

Ra’isalwasaare Khayre,ayaa qorshaynaya in uu xilka ka qaado Wasiirka arimaha dibada dowlada Fadraaka Axmed Ciise Cawad.
 
Khayre,ayaa u arka Wasiir Cawad Nin aan miisaan lahayn Puntland-ta uu kasoo jeedana wax tixgalin ah ku dhex lahayn,isla markaana ku guul daraystay in uu isku xiro Puntland iyo Dowlada Fadaraalka ah.
 
Ra’isalwasaare Khayre ayaa qorshaynaya in uu ku badalo Axmed Ciise masuuliyiin kale oo kasoo jeeda Puntland.
 
Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in ay miiska usaaran yihiin siyaasiyiinta kala ah Cali Cabdi Awaare iyo Cabdiqani Orhaye.
 
Si rasmi looma xaqiijin karo maalinta ay soo baxayso wareegtada xilka qaadista Cawad,balse waxaa la fili karaa in ay dhacdo xilka qaadistaas Todobaadka soo socda.
 
Cawad ayaa lagu tilmaamaa Nin degan,edeb badan,balse jilicsan ilaa xad,iyadoo Dad badani iswaydiinayaan waxa Khayre ku diiday Wasiir Cawad oo ilaa iyo hada si buuxda u aqbalay bahdilaada khayre,iyadoo lawada ogsoon yahay in guud ahaan shaqadiisa uu marti ka yahay doorkiisiina dayacan yahay.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading