Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maantay Magaalada Qardho shir kula qaatay Golaha Deegaanka Degmada, Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, ahna Duqa Degmada iyo Guddoomiyaha Gobolka.
Kulan ayaa looga wada hadlay dardargelinta hawlaha horyaala Degmada iyo Golaha Deegaanka Qardho. Wasiirka ayaa ku dhiirigeliyey Golaha in ay si dhaqsaa u qabsadaan Kalfadhigii Golaha.
Shirka ayaa ku dhammaaday guul.
Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadwaynaha
Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.