Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS oo beeniyay warar laga baahiyay kulankii Rooble iyo Uhuru (VIDEO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar, oo ka mid ahaa wafdigii PM Roble oo Shir Jaraa’id galabta ku qabtay Sarena Hotel, ayaa shaaca ka qaaday inay ka wada hadleen dawladda Kenya sii xoojinta xiriirka labada dhinaca ee arrimaha Diplomaasiyadda, Ganacsiga, Socdaalka, Amniga & Deris-Wanaagga.

Wasiirka oo ka jawaabayey Su’aal ku saabsanayd in Murankii Badda lagu soo qaaday wada hadalladaas, ayaa sheegay inaan marnaba arrintaas kulanka lagu soo qaadin.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading