Wasiirka Arrimaha Gudaha “Guddiyada sida loo magacaabay oo loogu heshiiyay waaye” (VIDEO)

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay arrimaha doorashad iyo muranka ka taagan guddiyadii dowladda magacawday ee sida weyn uga soo horjeesteen musharaxiinta Madaxaweynaha, isagoo caddeeyay in Guddiyada sida loo magacaabay ay yihiin, marxaladaha isku xirka u ah doorashadii lagu heshiiyay uu bilowday, doorashadana waqtigeeda ay ku dhaceyso.

“Guddiyada sida loogu heshiiyay oo loo soo magacaabay waaye, waqtiga loogu tala galay doorashada inay dhaceyso qof kasta oo Soomaali ahna waa u furan tahay inuu u tartamo waxyaabaha looga heshiiyay ka mid tahay, muhiimka waxaa ah in laga ilaaliyo wax carqalad iyo caqabad dhalinayo in doorashada waqtigeeda inay ku dhacdo wax kasta hakinaya oo waqtigeeda ama dariiqa looga heshiiyay ka leexinaya in aad looga fogaado oo la iska ilaaliyo, dowladda waxay diyaar u tahay in waqtigeeda arrintaas ku qabsoonto, guddiga sida loo magacaabo u magacaaban yihiin sida loogu tala galay oo loo heshiiyay waqtiyada waqti walba wixii loogu tala galay inay qabsoomaan ayaa qorshaha uu yahay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading