Wasiirka Batroolka Jubbaland oo ka qeybgalay shirka shidaalka Africa

Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal), ayaa Magaalada Dubaay ee iskutagga Imaaraadka Carabta kaga qeybgalay shirka asbuuca Saliidda (Shidaalka) ee Qaaradda Afrika oo ay Martigalisay Dowladda Imaraadku.

Shirkaan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlaa arrimaha la xariira maalgashiga Shidaalka iyo Macdanta kala duwan ee ay hodanka ku tahay qaaradda Afrika, Waxaana ka qeybgalaya 45 wasiir oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo shirkado badan oo daneeya shidaalka
Afrika.

Shirka ayaa socon doona inta u dhaxaysa 8-11 bisha November 2021, Waxaana inta uu shirku socdo laga hadli doona saliidda iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah ee ay qaaraddu hodanka kutahay.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading