Wasiirka Caafimaadka Fadaraalka Itoobiya Oo gaaray Qalaafe

Wafdigii uu horkacayay Wasiirka Caafimaadka Ethopia oo gaaray Qalaafe

Wafdigaan uu horkacayay Wasiirka Caafimaadka Ethopia Dr Amiir Aman oo socdaalka ku wahliyeen Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Ethopia, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, iyo xubna kale oo ka socda laamaha dowlada.

Wafdigan oo galabta casir gaabadkii gaaray degmada Qalaafe ayaa booqday Xarunta Caafimaadka degmadaasi oo ah Xarun qadiimi ah waxa ayna halkaa xog waraysi kula qaateen Howlwadeenada Xarunta kuwaas oo wafdigan u gudbiyay baahiyaha xarunta ka jira.

Socdaalka Wafdigaa ayaa ahaa mid salka ku hayay sidii ugu kuurgali lahaayeen baahiyaha Caafimaad ee ka jira Gobalka Shabelle waxana sidoo kale shalay booqasho tan la mid ah ku tageen Isbitaalka guud ee Goday oo asna ah mid muda dheer adeega caafimaadka bixinayay lana dhisay sanadkii 1958 ETC.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading