Wasiirka Caafimaadka Fadaraalka Oo gaaray Godey

Waxaa goor dhow Soo gaaray Magaalada Goday wafdi uu horkacayo wasiirka Caafimaadka Ethopia Dr Amiir Aman iyo ku xigeenkiisa kuwaas oo si habsami leh halkaa loogu soo dhawayay.

Wafdigaan ayaa ka koobnaa Wasiirka Caafimaadka Ethopia iyo Ku xigeenkiisa Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS wasiir ku xigeenka Madaxtooyada DDS iyo xubna kale.

Wasiirka Caafimaadka DDS Dr Yuusuf Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in socdaalkooda la xariiro u kuurgalida xaaladaha Caafimaad ee Gobalka .

Waxaan wafdigaan uu booqasho ku tagay Isbitaalka Magaalada Goday halkaa uu warbixin kaga dhagaystay howlwadeenada. waxaan sidoo kale lagu wadaa in uu booqasho ku tagi doono degmada Qalafe ee Gobalka Shabelle halkaa oo mudada uu joogo u kuur gali doono baahiyaha Caafimaad ee ka jira


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading