Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Jaamac Faarax Xassan oo ay wehliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Seyid Cumar Guulleed iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Caafimaadka,ayaa Golaha Wakiillada DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha caafimaadka dalka sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad, 33aad iyo Xeerka Xirfadlayaasha caafimaadka Puntland oo si faah-faahsan uga hadlaya diiwaangelinta, anshaxmarinta, tayeynta Xirfadlayaasha caafimaadka iyo qiimeynta, kormeerida, ka warbixinta ruqsadsiinta goobaha adeega caafimaadka iyo daawooyinkooda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.