Wasiirka Cadaaladda Somaliland oo laga dhawrayo ” Inuu iscasilo “

Hoggaanka dhaqanka bariga gobolka Sanaag ay 2 jeer waxay ka dalbadeen Wasiirka Caddaalada Somaliland Cabdirisaaq Cali Cabdi “inuu iska casilo xilkaasi.”


Wasiirka ayaa hoggaanka dhaqanka u sheegay in uu tixgelin mudanyahay dalabkooda balse ma caddeyn in uu iscasilayo iyo in kale.


Dalabkan ayaa ku soo aadaya xilli maalmo kahor taliyaal iyo ciidamo ay hoggaaminayaan ay kasoo goosteen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag, iyagoo si ku biiray Puntland.


Sidoo kale guddoomiyihii gobolka Badhan ee Somaliland ayaa shalay ku soo biiray Puntland kadib markii uu iska casilay Somaliland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading