Wasiirka horumarinta Afrika Ee Uk Oo soo gaaray Muqdisho lana kulmay Xasan Shiikh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan ShIikh Maxamuud oo Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska mudane Andrew Mitchell ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Somaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Wasiirka la wadaagay guulaha dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u xoreynta dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo dolwad dhiska ayaa xusay dadaalka xooggan ee dowladdu ay ku bixinayso xaqiijinta Soomaaliya xor ah, ammaan ah, isku filan isla markaana ka faa’iideysata fursadaha horumarineed ee caalamaiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska mudane Andrew Mitchell oo bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka argagixisada iyo deyn cafiska ayaa sheegay in dowladda UK ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha iyo fududeynta in Soomaaliya ay hesho mashaariicaha horumarineed iyo kuwa lagula tacaalayo saamaynta isbaddalka cimmilada isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading