Wasiirka Kalluumeysiga Puntland oo ku dhawaaqay inay diyaariyeen Qorshayaal cusub (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland Faarax Maxamed Cawaash, ayaa sheegay inay Wasaaraddu diyaarisay Barnaamijyo cusub oo lagu hor-marinayo shaqada wasaaraddu u heyso Shacabka.

Wasiir Cawaash oo ka hadlayay Fagaare lagu gubayay Shatiyo Xukuumadii hore ay siisay Doomo Kalluumeysi, ayaa sheegay in Shatiyadani ay ahaayeen kuwo qaabka loo sameeyay laga gudbay.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga ay haatan diyaarisay Shatiyo casri ah, si loo kantaroolo Kalluumeysiga sharci darada ah oo uu sheegay in uu yahay aafo.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland Faarax Cawaash, ayaa sidoo kale sheegay in Wasaarradu ay diyaarisay suuq cusub oo kalluumeysi iyo Marso lagu soo xiro doomaha Kalluumeysiga, maadama suuqii iyo marsadii horey ugu yaalay dekedda la xiray sababo amni dartood.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading