Wasiirka Maaliyada Fadaraalka oo ka laabtay shaqo joojintii Agaasimaha Guud

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur,ayaa laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo labadaba uu shalay shaqada uga joojiyay amar diido iyo wada shaqeyn la’aan.

Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda,ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan.

Warar lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadaneyd tallaabadii uu shalay shaqo joojinta ugu sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga, sidaas darteed uu wareegtada uu maanta soo saaray kaga laabtay.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading