WASIIRKA OO FURAY SHIRKA DIB U EEGISTA QORSHAHA HAWLGALKA HAY’ADDA UNICEF

Garoowe:- 05- Jul-2023: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Siciid Faroole ayaa maanta furay shirka dib u eegista qorshaha hawlgalka hay’adda UNICEF ee Puntland labada sano iyo barkii tagay iyo qorshaha labada sano iyo barka soo foodleh.

Shirkaan waxaa lagu gorfeynayaa hab-qorsheedka hawlgaleed ee hay’adda iyo sida ay u maareyn-doonto hawlaha shaqo ee ay ka fuliso gobolada iyo deegaanada Puntland, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay talooyin ku aaddan arrimaha hortebinta leh, kuwaas oo ay soo jeediyeen hay’adda dowladda ee wada-shaqeynta laleh UNICEF.

Shirka waxaa ka qayb galay madax katirsan dawladda Puntland, madaxda hay’adda iyo marti sharaf kale.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading