Agaasimaha Machadka tababarada Dowladaha hoose ee PL oo la magacaabay

Garowe: December 05, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa magacaabay Agaasimaha Mac’hadka Tababarada Dowladaha Hoose ee (LGI).

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland:-

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Sharciga maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland (LR.7).

Markuu tixgeliyey: Shaqada baaxadda leh ee laga sugayo Mac’hadka Tababarada Dowladaha Hoose ee Puntland (LGI).

Marku la tashaday: Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Marku arkay: Aqoonta iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa Cabdifitaax Muuse Axmed (Weheliye), loo magacaabay Agaasimaha Mac’hadka Tababarada Dowladaha Hoose ee Dowladda Puntland (LGI).

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Wasiirku saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading