Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo gaaray Garoowe (VIDEO+Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda Federalka Soomaaliyaa Durhaan Faarax iyo wafti uu Hogaaminaayey, ayaa maanta soo gaaray Magaalada ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Hodan Siciid Xasan oo ay weheliyaan Wasiir Dowlaha Wasaaradda Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Tigaana.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha  Bulshada Xukuumada Fadaraalka Soomaaliyaa ayaa Puntland u yimi hawlo shaqo iyo Xoojinta xiriirka Labada Wasaaradood, sidoo kale wasiir Duraan, waxaa ku wehelinaayey Safarka Madax ka tirsan World Bank ee barnaamijka Baxnaano, madax ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading