WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL OO MARKII UGU HORAYSAY GABDHO U MAGACAABAY XOGHAYEYAAL DEGMO.

Garowe, December 02, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa magacaabay Xoghayeyaasha Degmooyinka hoos ku xusan:-

1. Waxaa Xoghayaha Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug loo magacaabay Marwo Ayaan Cismaan Jaamac.

2. Waxaa Xoghayaha Degmada Caluula ee Gobolka Raas-casayr loo magacaabay Marwo Saabiriin Cali Jaamac.

3. Waxaa Xoghayaha Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari loo magacaabay Marwo Fowsiyo Jaamac Ciise.

Sida darteed, waxaa la farayaa maamulada Gobolada iyo Degmooyinka ay qusayso in la fuliyo dhaqan galinta magacaabidda xoghayeyaasha cusub ee loo soo magacaabay Degmooyin kor ku xusan.

Fulin Wacan

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading